Taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka PSF oo bilaabay inuu qorto askar cusub

Taliyihii ciidanka PSF ee diiday xilka ka qaadista lagu sameeyey Gen. Mohamoud Osman Diyano ayaa sheegay inuu qoranayo ciidamo cusub, xili ay socoto Waanwaan ay wadaan isimada Puntland oo lagu xalinayo dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

“Dhalinyarada jecel inay ka mid noqdaan Ciidanka PSF waxaa lala socod siinayaa in la qaadanayo ciidan cusub oo kamid noqon doono PSF” ayuu yiri talliyaha oo qoraal kooban soo saaray.

Gen. Mohamoud Osman Diyano ayaa sidoo sheegay  shuruuudaha laga rabo qofkii daneynaya oo ay ka mid yihiin Shahaadada dugsiga sare, Inuu lahayn wax balwada ah, Da’diisu waa iney u dhexeysaa 18 ilaa 27 jir iyo inuu ku fiican yahay isboortiga.

“Qoristu waxeey bilaabaneeysaa waqtigay taariikhdu ku beegantahay 10/01/2022 waxeeyna ku egtahay markay taariikhdu tahay 15/01/2022 waxayn is qorista ka bilaabaneysaa Xerada PSF ee ku taala Bosaaso’ ayaa lagu qoraalka uu soo saaray taliyaha PSF

Talaabadan ayaa la rumeysan yahay iney caqabad ku tahay dedaalada nabadeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka iyo gacan ka hadalka ka dhashay xilka ka qaadista madaxweynaha Puntland uu ku sameeyey taliyaha PSF, waxaaba laga cabsi qabaa iney xiisad cusub ka dhalato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -