In ka badan 40-Xildhibaan oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay bixinta shahaadada rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee dhawwaan la doortay.

Shahaadada Xildhibaanimo waxaa saakay ilaa hada qaatay 45-Xildhibaan oo ka kala tirsan Aqalka sare iyo Aqalka hoose, waxaana wali socota bixinta shahaadada la siinayo xildhibaanada dooran.

Xildhibaanada maanta qaatay Shahaadada ayaa ahaa xildhibaano laga soo doortay badankood  maamulada Galmudug, Hirshabelle, Gobolada Waqooyi, Jubbaland , Puntland iyo Beelaha Banaadiriga.

Xildhibaanada qaatay shahaadada kuma jiraan weli kuwa laga soo doortay  Koonfur Galbeed, waxaana muuqda in Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed gacanta ugu wada jiraan Cabdicasiis Laftagareen oo diidan go’aankii guddiga doorashooyinka.

Maamulka Hirshabelle oo dhankooda kasoo horjeestay go’aankii guddiga doorashada uga reebeen Fahad Yaasiin ayaa horey u sheegay in liiska xildhibaanada u gudbinayaan xoghayaasha labada aqal, hasa ahaatee xildhibaano badan oo Hirshabelle lagu doortay saameyna leh ayaa maanta qaatay shahaadada xildhibaanimo.

Halkan ka akhriso magacyada Xildhibaanada shahaadada maanta qaatay

1. Senator Dunio Mohamed Ali
2. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
3. Senator Abdi Ahmed Dhuhulow (Dhagdheer)
4. Xildhibaan Yusuf Gelle Ugaas (HoP#026)
5. Xildhibaan Mohamed Abdi Hayir-Maareeye (HoP#225)
6. Xildhibaan Mohamed Omar Ceymoy (HoP#005)
7. Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa (HoP#265)
8. Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow (HoP#049)
9. Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) HoP#108
10. Xildhibaan Abdisabir Nur Shurie HoP#071
11. Xildhibaan Mahad Mohamed Salad HoP#147
12. Xildhibaan Omar Shariif Mohamed HoP#266
13. Xildhibaan Mohamud Abdulkadir Haji- Jeego HoP#084
14. Xildhibaan Abdikarim Abdow Haydar HoP#252
15. Xildhibaan Ali Mohamed Omar HoP#115
16. Xildhibaan Hussein Kasim Idow HoP#043
17. Xildhibaan Omar Ali Abdi HoP#035
18. Xildhibaan Jawaahir Mohamed Ahmed HoP#001
19. Xildhibaan Abdirahman Mohamed Mohamud HoP#095
20. Xildhibaan Zamzam Muhumed Omer HoP#243
21. Xildhibaan Mohamed Ibrahim Abdi HoP#206
22. Xildhibaan Soleyman Ali Hussein HoP#260
23. Xildhibaan Mohamed Ali Hagaa HoP#268
24. Xildhibaan Ahmed Abdi Koshin HoP#205
25. Xildhibaan Muse Said Jama HoP#263
26. Xildhibaan Ali Mohamud Adan HoP#240
27. Xildhibaan Dahir Amin Jesow HoP#030
28. Xildhibaan Dahabo Susow Mohamud HoP#088
29. Xildhibaan Maryam Aweys Jama HoP#113
30. Xildhibaan Cadar Ali Mohamed HoP#081
31. Xildhibaan Qaladla Ali Awale (HoP#017)
32. Xildhibaan Nadra Saleh Abdi (HoP#257)
33. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali -Maxamed-Cajiib (HoP#064)
34. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble (HoP#101)
35. Xildhibaan Muuse Saciid Jaamac (HoP#263)
36. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin (HoP#205)
37. Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise (HoP#212)
38. Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye (HoP#096)
39. Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid (HoP#063)
40. Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac (HoP#004)
41. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed (HoP#011)
42. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh (HoP#070)
43. Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan-Dhabancad (HoP#038)
44. Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi (HoP#208)
45-Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar (Ho0#32)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -