(Daawo Sawirro) Booliska Nigeria oo u dhacay xarun uu ka socday ganacsi argagax leh

Booliska dalka Nigeria ayaa weeraray goobo lagu hayay carruur badan oo si sharci daro ah looga macaashayay sida uu sheegay Agboola Dabiri oo ka tirsan saraakiisha magaalada Lagos.

Meelahan ayaa ka mid ah xarumo aqoonta ah iyo meelo kale oo la sheegay in dumarka dhalay ilmaha aabo la’aanta loo balanqaado daryeel caafimaad, iyo lacag, kadibna ilmaha lagala wareego, kuwaasoo laga sii iibsanayo dad lacag heysta balse carruur heysanin, ama xitaa dad u baahan shaqaale jaban oo carruur ah.

Dumarka qaar ayaa la sheegay in goobahan lagu kufsado, laguna uureeyo si ilmaha looga qaato markey Umusho.

Illaa 100 gabdho ah iyo 62 wiilal yaryar ah ayaa lagu soo badbaadiyay hawlgalkan oo ka dhacay magaalada Lagos, waxaana la geeyay goob badqabta oo ay dowladda ugu talogashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -