(Daawo Sawirro) Dhaawacyada la dhigay Isbitaalada Muqdisho & Masuuliyiin booqatay

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele iyo Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa  booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan ayaa booqday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) iyo Isbitaalo kale oo la jiifiyey dad kor u dhaafaya 20 qof oo ku dhaawacmay weeerarkii isugu jiray qaraxyada ismiidaaminta ah iyo midka tooska ah ee lagu galay xarunta gurmadka booliska ee Otto otto oo ay degan yihiin wasaarado ka tirsan xukuumada.

Bukaanada qaarkood ayaa qaba dhaawacyo halis ah inkastoo badankood ay qabaan dhaawacyo iska caadi ah oo naftooda aan halis gelineyn.

Madaxdan dadka dhaawacmay ka wareystay xaaladooda iyagoo uga tacsiyadeeyey dhibaatada soo gaartay, waxayna u qeybiyeen deeq lacago ah oo ay ugu talo galeen.

Ugu yaraan 11 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen iska-horimaadkii maanta, kuwaasoo 9 ka mid ahaa ay ahaayeen shaqaalaha iyo Ilaaladda wasaaradaha degenaa xarunta la weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -