Askartii shalay Al Shabaab ku laayeen Gudaha Kenya oo Soomaali u badnaa (Akhriso Magacyada)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay qarax xoogan waxa ay ku dileen ciidamo katirsan booliiska Kenya xili ay roondo ku jireen, waxaana askartan la dilay ay u badnaayeen kuwa kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto.

Weerarkan waxaa lagu dilay 8-askari oo katirsanaa ciidanka booliiska kadib markii qarax lala helay gaari ay saarnaayeen askartaasi, waxa uuna qaraxan ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Tarbaji oo ka tirsan Degmadda Wajeer.

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay horey usii qaateen 8- qori ay wateen askarta ay dileen, waxaana Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya qoray in Al Shabaab qaateen 8 qori oo kala ahaa  5 qoryaha AK 47 iyo 3 qori oo noocoodu ahaa G 3.

Booliiska dalka Kenya ayaa soo bandhigay magacyada askartan qaraxa lagu dilay , askartan la dilay oo ahaa 8 askari ayaa 7-kamid ah waxa ay ahaayeen Soomaali katirsan booliiska dalak Kenya, waxaana dilka askartan laga dareemay gobolka Waqooyi bari.

Halkan ka Akhriso Magacyada askartan Kenya Al Shababa shalay ka dileen

C/casiis Cali

C/llaahi Hiraabe

Cali Maxamed Cali

C/llaahi Sheekh Yuusuf

Daa’uudi Ibraahim Axmed

Maxamed Yacquub Cabdi

Cali Axmed

Thomas Machere

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -