Guddiga Doorashada oo fariin u diray Xildhibaanada dooran ee dalka iyo dibaddiisa ku kala sugan

Guddiga hirgelinta doorashafa heer federaal ayaa ku wargaliyay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya in beri oo sabti ah bilaabaneyso bixinta shahaadada Xildhibaanimo.

Guddiga ayaana ugu baaqay xildhibaanada jooga magaalada Muqdisho in beri xaadiraan xaruntooda si ay u qaataan shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo.

Waxa ay sidoo kale guddiga doorashada heer federaal ugu baaqeen xildhibaanada dalka dibaddiisa iyo gobolada dalka ku sugan in iyana yimaadaan Muqdisho si ay u qaataan shahaadada xildhibaanada la siinayo.

Qoraalka guddiga kasoo baxay ayaa u qornaa sida tan

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022.

Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay.

-Dhammaad-

- Advertisement -