Allbanaadir.com
NEWS

Warqad Laguu Jarey Kama Tarjumi Karto Jinsiyaddaada iyo waxa aad tahay!

Warqad kii bixiyey kaala laaban karo iyo jinsiyadda shaqsiga ama muwaadinnimadu iskuma xirna. Soomaalidu hore ayey jaha wareer ugu jirtey, waxaase hadda muuqaneysa in mid cusub la dhex geynayo, kaas oo khatar ku noqon kara jiritaanka Jamhuuriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

La yaab ayey igu noqotey, in Madaxweynaha kooxda Villa Somalia uu warbaahinta la soo istaago in qofka aan warqadda aqoonsiga qaadan uu Somali noqon doonin!

Ma faham darro ayaa u geysey mise fadarada dhinacyadiisa joogta ayaa ku falaadeysa?

Warqaddaani waxay noqon kartaa caddeyn shaqsi oo xanbaarsan xogta shaqsiga oo kali ah, siyaasaddeeduna waa ay in noqotaa mid heshiis lagu yahey.

Sida dad badan ay qabaan, ayaan aniguna aaminsanahey in haddii warqaddaasi ay si sax ah u dhaqan gasho, ay amniga, maamulka iyo dhaqaalahaba wax ku kordhin karto.

Haddii warqaddaan dhinaca wanaagsan loo adeegsado, waxay ka qeyb qaadan kartaa: Hubinta shaqsiga; baarista danbiyada; gaarista caddaaladda, sugidda adeegyada bankiyada, safarada gudaha, sugidda bixinta adeegyada kale, sugidda guurka iyo furriinka, iwm.

Sanadkii 2013 ayaa la isku dayey in la sameeyo warqaddaan oo kale iyada oo aan la qorsheyn, laga doodin, heshiisna lagu aheyn, waxayna ku dhammaatey fashil iyo ceeb.

Haddii arimaha ku hor go’an dhaqan galka warqaddaan aan xal loo helin, waxay noqon doontaa warqad xaafaddii ogol ay qaadato, mana yeelan doonto qiimo sharci.

Kooxda kooxda Villa Somalia waa lagu yaqaannaa in mabaadi’da bariis lagu baddasho, waana ka digayaa arintaas.

W/Q Maxamed Aadan Koofi, Agaasimihii hore hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgalada ciidanka Xoogga dalka ka wadaan Jubbooyinka oo la xoojinayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida ku timid Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

Cabdi Cade

Taageerayaasha Donald Trump oo ku baaqay in Ilhan Cumar Soomaaliya loo celiyo

Cabdi Cade