Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada Puntland oo howgal ballaaran ka bilaabay Buuraleyda Golis (Sawirro)

Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee maamulka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen  buuraleyda Golis ee Gobolka Bari halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Qoraal ka soo baxay Ciidamada ayaa waxay ku sheegeen in howlgalka laga fuliyay degaanada Madarshoon iyo Dhagax-dhaabur oo ka tirsan buuraleyda Golis.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Bari,  isla markaana saldhigyo ciidan ka burburiyeen.

Maalmo ka hor ayey markii kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidanka Puntland ee degaanka Af-urur, halkaasoo uu ka dhacay dagaal khasaare badan geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo falanqeyn ku wada cidda ka qeyb galeysa gogosha fidsan

Cabdi Cade

Hotel uu Trump ku leeyahay Gobolka Illinois oo dacwad lagu soo oogayo

Caydiid Ali

Xamse: “Qorshuhu ma ahan kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---