Allbanaadir.com
NEWS

Xamse: “Qorshuhu ma ahan kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in..”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro al shabaab, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka

Xamse ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”.  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, “Caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyo” ayuu yiri Xamse.

Mudane Xamsa oo u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, ayaa dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

Related posts

Khubaro Ka Digtay In Maalin Walbo La Qubeysto iyo cudurada ka dhalan kara oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Amnesty oo shaacisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray & Abiy Ahmed oo ka hadlay

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Farmaajo looga adkaaday Maamulka Doorashada Garbahaarey?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---