Jabuuti oo jawaab ka bixisay eedeyntii kaga timid dhigeeda Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeymihii Somalia u jeedisay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee loo saaray dacwadii Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixintii ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta oo uu ku eedeeyey iney si cad ula safteen Kenya.

War-saxaafadeed soo saartay dowlada Jabuuti ayey ku sheegtay in warbixinta guddiga xaqiiqo raadintu ay tahay mid dhex-dhexaad ah oo xaqiiqda ku saleysan.

“Baaritaanka guddigu sameeyey waxaan shaki ku jirin in loo qabtay si xirfad iyo dhex-dhexaadnimo ah, Jabuuti waxay had iyo jeer ku dadaashaa nabada iyo xasiloonida gobolka oo ay ka samayso dadaal badan si looga qayb-qaato nabad-gelyada, xasiloonida iyo nabadeynta Soomaaliya, welina way ka go’an tahay inay sii wado dadaalkan.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Jabuuti.

Jabuuti waxay sheegtay in warbixinta uu guddiga soo saaray loo gudbiyay golaha sarre ee urur goboleedka IGAD, kaasoo ugu dambeyn aqbalay natiijada baaritaanka ee DF diiday.

“Go’aan ka gaarida warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta waxay hortaalaa golaha IGAD, taasoo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya” ayaa ugu dambeyn lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay Jabuuti.

HOOS KA AKHRISO JAWAABTA JABUUTI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -