Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo laga dacweeyay Maxkamadda Caalamiga ee ICC

Sargaal horey uga tirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo saraakiil kale oo katirsan Nabad Sugida u gudbiyay maxkamadda ICC.

Cabdullahi Maxamed Cali (Cabdullaahi Nasri) oo muddo u xirnaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in dacwad ka gudbiyay Farmaajo iyo saraakiil kale oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida.

Waxa uu sheegay sargaalkan in xubnahan uu dacwada ka gudbiyay dhibaatooyin xanuun badan u geesteen intii uu ku xirnaa xabsi Nabad sugida maamusho, waxa uuna cadeeyay in uu kiiska dacwadiisa u gudbiyay maxkamada caalamiga ee ICC.

Cabdullaahi Nasri ayaa xubnaha uu dacwada ka gudbiyay ku sheegay in ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kullane, Yaasiin Farey, Cabdiraxmaan Dheere, Ibraahim Macalin iyo Axmed Carab.

Sargaalkan ayaa sheegay in safaarado kuyaala magaalada Nairobi tagay ayna u ballan qaadeen in ay gacan ku siinayaan dacwada uu ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo iyo saraakiisha kale ee katirsan Nabad Sugida Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -