Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif: “Dalku wuxuu ku jiraa xaalad halis badan oo aan la dhayalsan karin”

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed haatana ka mid ah musharaxiinta doorashada madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyey xaaladaha amani daro ee ku soo kordhay dalka xili ay socdaan doorashooyinka golaha shacabka.

Shiikh Shariif oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa ku baaqay in dalka laga badbaadiyo khatar uu sheegay iney ku soo korortay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKIISA OO DHAMEYSTIRAN

Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday, sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida: IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso:

1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka.

2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.

Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa  Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Ku-xigeenka Somalia oo xariga ka jaray Wasaarad dib loo dhisay 30 sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal lagu soo qab-qabtay Ciyaal weero & hub kala duwan oo Muqdisho ka dhacay+Sawirro

Caydiid Ali

Farmaajo oo Madaxda Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir isugu yeeray & Puntland oo …

admin
Taboola Ads ---