Farmaajo oo Madaxda Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir isugu yeeray & Puntland oo …

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir .

Wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.”

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa soo dhoweyay dadaalada ay wadaan Beesha Caalamka taasoo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.

Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.

Ugu danbayntii Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in qaban qaabada Shirka ay leedahay  Beesha Caalamka waxayna dafirayn in Madaxwayne Farmaajo oo shirkaan iclaamiyay iyagoo sheegaya In Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -