Maamulka Taliban oo amar cusub ku soo rogay haweenka wadanka Afghanistan

Taliban ayaa amartay shirkadaha diyaaradaha ee dalka Afghanistan ka howlgala inay haweenka ka joojiyaan inay raacaan haddii aanu la socon nin ehel ah ama maxram

Amarkan cusub ee haweenka la saaray ayaa daba socota markii Arbacadii la xiray dhammaan Dugsiyada Sare ee gabdhaha saacado kadib markii loo ogolaaday in markii ugu horeysay dib loo furo tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegeen bishii August.

Laba sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee Ariana Afghan Airlines iyo Kam Air ayaa Axaddii sheegay in Taliban ay ku amartay inay haweenka ka joojiyaan inay diyaaradaha raacaan haddii ay kaligood yihiin.

Tan iyo markii Taliban ay xukunka la waregtay waxay xayiraado dhowr ah kusoo rogtay xoriyadda haweenka, kuwaasoo badankood ay fulinayaan saraakiisha heer gobol ee Wasaaradda Sare u Qaadidda Dhaqanka Wanaagsan iyo Ka-hortagga Xumaanta.

Wasaarada ayaa sheegtay inaysan soo saarin wax dikreeto ah oo haweenka ka mamnuucaya inay kaligood diyaarad raacaan.

Hase yeeshee warqad uu soo saaray sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Ariana Afghan oo loo qeybiyey shaqaalaha kadib kulanka Taalibaan, taasi oo nuqul ka mid ah ay heshay AFP.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -