Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Malafka Xildhibaanada K/Galbeed lagu doortay oo lagu wareejiyay Guddiga Doorashada (Sawirro)

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Xubna ka socdey guddiga hirgalinta dooorashooyinka heer Fedearal ku wareejiyey galka faylasha 77- Xildhibaan oo ka kooban Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay Koonfur Galbeed.

Xubnaha matalayay guddiga doorashada heer federaal ayaana farta laga saaray  macluumaadka 77-da xildhibaan ee lagu kala doortay Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana uga mahadceliyay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed soo wareejinta malafka iyo xogta xildhibaanada labada aqal ee lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe.

Koonfur Galbeed ayaana noqotay maamulkii saddexaad ee guddiga doorashada heer federaal ku wareejiya malafka Xildhibaanada labada aqal ee la doortay, waxaana horey sidaan oo kale u wareejiyay maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamaada Baarlamanka Somalia oo la joojiyey illaa amar dambe iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u Dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo caawa la wareegay Amaanka xarunta Baarlamaanka iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---