Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Mucaarad ku ah dowlada oo booqday Qalbi Dhagax (Daawo Sawirada)

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin dowlada Mucaarad ku ah ayaa maanta hotelka uu ka degan yahay magaalada Nairobi ku booqday C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan dowlada Itoobiya sii deysay.

C/Kariin Qalbi Dhagax ayaa xiligan ku sugan magaalada Nairobi kadib markii dhawaan laga soo daayay xabsi uu ku xirnaa, waxaana Sargaalkan katirsanaa ONLF sii deyntiisa si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay Soomaali badan.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dowlada Mucaarad ku ah ayaa booqday C/Kariin Qalbi Dhagax, waxa ayna kala sheekeesteen xaaladiisa iyo marxaladihii uu soo maray intii uu xirnaa.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ahaa xubnihii maanta booqday Qalbi Dhagax ayaa sheegay in ay uga warbixiyeen marxaladihii uu xarigiisa soo maray iyo sidii ay u difaaceen Siyaasiyiintooda ugana dhii dhiyeen xarigiisa.

” Waxaan la kulanay Qalbi Dhagax waxa uuna nooga mahadceliyay hiilkii aan qarsooneyn ee aan ku difaacnay qadiyadiisa iyo inuu xoriydiisa dib u helo. Wuxuuna naga codsaday inaan salaan diiran iyo mahadcelin balaaran ka gaarsiino Umadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan. Wuxuuna naga balan qaaday in uu dhawaan Umadda u warbixin doono inshaa’allaah. Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta la kulmay Qalbi Dhagax ayaa waxa ay kamid ahaayeen dadkii sida weyna uga dhii dhiyay dhiibistii Qalbi Dhagax ee Itoobiya, waxa ayna xubnahan marar badan dowlada ku dhaliileen dhiibisii Qalbi Dhagax oo dowlada ceeb ka raacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -