Allbanaadir.com
NEWS

Duqa London oo Ansixiyay Boombale loo ekeesiiyay Donald Trump (Daawo Sawirada)

Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa ansixiyay qorshe la doonayo in lagu sameeyo laguna duuliyo Boombale Muuqaal ahaan loo ekeesiiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Boombalahan la buufiyay loona ekeeysiiyay Madaxweyne Donald Trump oo cunug ah ayaa la qorsheenayaa in la dul mariyo hawada magaalada London marka uu booqasho ku yimaado Madaxweyne Trump 13-ka bishan.

Fikrada lagu sameeyay boombalahan loo ekeesiiyay Madaxweyne Trump waxaa soo curiyay Leo Murray, waxa uuna ninkan sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu aad u neceb yahay marka lagu maadeesanayo.

Dad ka badan 100-kun oo qof ayaa codsaday in Boombalahan  lagu duuliyo hawada magaalada London marka uu booqasho ku yimaado Madaxweyne Trump, waxaana sameynta boombalahan ku baxday  lacag dhan £18,000.

Fasaxa Duqa London kaliya suurto gal maaahan in Boombalahan lagu duuliyo hawada London, waxa ayna kooxdan qorshahooda u baahan tahay in ay  fasax ka helaan wakaaladda duulimaadka hawada, taas oo ay tahay in ansixiso wax kasta oo duulaya.

Duqa magaalada London Sadiq Khan iyo Madaxweyne Donald Trump ayaa siyaasad ahaan aad u kala fog, waxaana labadan nin marar badan baraha bulshada isku mariyeen hadalo aad u kul kulul.

Dadka sameeyay Boombalahan layaabka leh ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha dalka Mareykanka in uu yahay sidii ilmo kibir badan, oo sameeya waxyaabo waxyaabo ceeb ah oon laga fiirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil sare & shacab Maxkamad loo soo taagay qaraxii ka dhacay Magaalada Addis ababa

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo Saxiixay Mooshin ka dhan ah damaca dowlada Kenya 

Cabdi Cade

Shir u Dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa Maamulada oo furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---