Sarkaal ka tirsan Q/Midoobay oo ka mid noqday dadkii lagu laayey weerarkii Liido

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ayaa in weerarkii habeen hore Al-Shabaab ku qaaday hotel Pearl Beach oo ku yaallo xeebta Liido lagu dilay sarkaal ka tirsanaa shaqaalaha heyaddaa

Weerarkaas ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu xigay dagaal toos ah ka dib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay, Tedros Adhanom oo qoraal kooban soo dhigay Boggisa Twitterka ayaa sheegay in mid kamid ah shaqaalahooda lagu dilay weerarkaasi.

“Waan ka xumahay inaan weynay Xubin ka tirsan shaqaalaha WHO oo lagiu dilay weerarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya” ayuu yiri Tedros Adhanom.

Waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhamaan dadkii ku geeriyooday weerarkaas.

“Waxaan cambaareyneynaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah rayidka iyo Shaqaalaha samafalka” ayuu yiri Madaxa Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen weerarkaas oo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -