Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor Qoor oo la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanadii lagu doortay Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada labada golle ee lagu doortay deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaana isugu yeeray Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug in ay isugu yimaadaan magaalada Dhuusomareeb, waxaana Xildhibaanada intooda badan shalay gaareen magaalada Dhuusomareeb iyaga oo ajiibay dalabka Madaxweynaha.

Kulanka uu xalay la qaatay Madaxweynaha Galmudug Xildhibaanada labada Aqal ayaan xog badan laga heyn waxii looga hadlay, hasa ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in looga hadlay jiheyta doorashada Guddonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaana la sheegay in Xildhibaanada kala hadlay sidii ay u noqon lahaayeen kuwa isku xiran oo hal dhinac wax u wada, waxa uuna ugu baaqay in ay noqdaan Xildhibaano wax tara dadka iyo deegaanada ay matalaan.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa soo saartay Xildhibaano badan oo katirsan labada Aqal si ay u jiheeyaan siyaasadooda sidoo kale gorgortan ugula galaan Musharaxiinta isku haya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Galmudug ayaa isugu jira muxaafid iyo mucaarad, waxaana adkaan doonta in Madaxweynaha Galmudug uu jiheeyo siyaasada iyo aragtida xildhibaanadaasi ay ku jiraan kuwa saameyn badan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Dadka garsoorka u doonta Al-shabaab oo digniin culus la siiyey

Caydiid Ali

Ciidanka Federaalka Itoobiya oo lagu wareejiyay Wariye Cabdimaalik Coldoon

Cabdi Cade

Xog ku aadan :-Ujeedka safarka Gudoomiyaha Aqalka saree e Dhuusamareeb & Imaanshaha Axmed Madoowe iyo Dani ee Muqdisho !!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---