Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

C/raxmaan Dheere oo ka hadlay Kursigii loo diiday in uu u tartano oo Xildhibaan Cusub loo doortay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kahor istaagay in uu mar kale u tartamo kursiga xildhibaanimo uu ku fadhiyay Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo ah saaxiibka Farmaajo iyo Fahad.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop124 uu horey ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Dheere ayaa xalay loo doortay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo sannado kahor kursigan ku fadhiyay .

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaana hambalyo iyo duco wadajira u diray Xildhibaanka cusub ee loo doortay kursiga uu ku fadhiyo, waxa uuna ballanqaaday in uu garab istaagi doono lana shaqeyn doono xildhibaanka cusub ee la doortay.

”Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa walaalkeey Maxamed Nadiif xildhibaanka cusub ee iga badeli doona kursiga Hop# 124 oo aan muddo ugu adeegayey bulshada kursiga lahayd, deegaanka iyo dalka.waxaan ballan qaadayaa inaan la garab istaago hiil iyo hoo si uu ugu guto waajibkiisa.” ayuu yiri Cabdiraxmana Dheere.
Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidii kursigan mar kale ugu soo laaban lahaa Siyaasiga Cabdiraxmana Dheere oo mucaarad weyn ku ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa si weyna u taageersanaa Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=D3K2zzULQrA

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo safar xasaasi ah ugu ambabaxay Magaalada Asmara

Caydiid Ali

Daawo: NISA oo qabatay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, xili uu ka dhoofayey garoonka..

Caydiid Ali

Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre oo Muqdisho kulan Xasaasi ah ku yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---