Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Arday dil argagax leh u geestay labo kamid ah Macalimiintiisa kaddibna u wacay Booliiska

Magaalada Maalmo ee dalka Sweden waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii wiil arday ah iskuul uu dhiganayay gudihiisa ku dilay labo kamid ah macalimiintii wax bareesay.

Booliiska magaalada Maalmo ayaa sheegay in ardaygan labada macalin ku dhax dilay dabaqa sare ee iskuulka, waxa ayna sheegeen booliiska in ay baarayaan sababta keentay dilka ardayga u geestay macalimiintiisa.

Warbaahinta dalka Sweden ayaa ku warantay ardayga dilka geestay in uu u wacay booliiska kuna wargaliyay falka uu geestay, waxaana falkan argagax badan uu ka abuuray gudaha iskuulkii uu dilku ka dhacay.

Booliiska war kasoo baxay ayey ku sheegeen in aysan aqoon hore u laheyd ardaygan dilka geestay horeyna dambiyo aan loogu eedeyn, waxa ayna saraakiisha booliiska cadeeyeen in ay baaris dheer ku sameyn doonaan sababta dilkan keentay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ramzan Kadyrov oo Shaaciyay waxa ka careesiiyay Hoggaamiyaha Wagner ee Kacdoonka sameeyay

Cabdi Cade

Somalia oo loogu deeqay $100 Milyan ka dib kulan dhexmaray Xassan Shiikh & Rishi Sunak

Caydiid Ali

Taliyihii Booliiska Dhuusomareeb oo xalay caro darteed isku casilay lana hadlay Warbaahinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---