Madaxweyne Biden oo hanjabaad iyo Digniin isla socota u diray Madaxweynaha Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay “inay caddahay” in Russia ay ka fakarayso inay hub kiimiko iyo bayoloji ah u adeegsato dagaalka Ukraine, wuxuuna ka digay jawaab “darran” oo Reer Galbeedka ay bixin doonaan haddii ay sidaas sameyso.

“Dhabarka ayaa darbiga loo saaray,” ayuu yiri Biden oo ka hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo xusay in Russia ay dhowaan ku eedeysay Mareykanka in hub kiimko iyo bayoloji ah ku haysato Yurub.

“Taasi run maaha. Waan kuu damaanad qaadi karaa,” ayuu yiri Biden oo la hadlay hoggaamiyayaal ganacsi oo ku kulmay Washington.

“Waxay sidoo kale soo jeedinayaan in Ukraine ay haysato hub kiimiko iyo mid bayoloji. Taasi waa astaan cad oo muujineysa inuu ka fakarayo inuu labadaba isticmaalo,” ayuu yiri.

Digniinta Biden ayaa ku celisay mid ay hore u jeediyeen maamulkiisa iyo dalalka Reer Galbeedka, horraantii bishan kadib markii saraakiisha Russia ay ku eedeeyeen Ukraine inay qarineyso barnaamij hub kiimiko ah oo ay taageerayaan Mareykanka.

Biden wuxuu Isniintii sheegay in haddii Russia ay qaado tallaabo noocaas ah ay jiri doonto jawaab “darran” oo uusan shaacin waxa ay tahay oo ay bixin doonaan xulufada Reer Galbeedka.

Putin “wuuu ogyahay waxaa jiri doona cawaaqib darran sababtoo ah NATO way mideysan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Biden isaga oo aan shaacin wax ficillo ah oo xulufada ay qaadi doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -