Heyadda ICG oo soo jeedisay qorshe lagu xalin karo dagaalka Al-shabaab

Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha caalamka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Al-shabaab.

Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo Al-Shabaab oo muddo dheer dagaal ka wada Somalia

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayay kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya labada dhinac ee DF iyo Al-Shabaab

Al-shabaab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya haba ugu badnaatee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo doorashada ku soo galay halku dheggii ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah ayaan la ogeyn inuu Al-shabaab wadahadal la gali doono iyo inuu halkiisa ka sii wadi doono dagaalka.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay ineysan wadahadal la yeelan doonin dowlada Somalia inta ay dalka joogaan ciidamada shisheeye ee taageeraya, taasoo u muuqata shuruud adag.

- Advertisement -