Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya usoo dirtay ciidamo cusub oo kamid noqonaya kuwa nabad ilaalinta u jooga, waxa ayna ciidankan qeyb ka noqonayaan howlgalka ATMIS ee lagu baddelayo kan AMISOM.
Soomaaliya waxaa ka howlgalayay tan iyo 2007-dii ciidamo ka socday midowga Afrika oo ku howlgalayay magaca AMISOM, waxaana howlgalka AMISOM isku bedelaya midka cusub ee ATMIS marka la gaaro 31-ka Maarso 2022 oo maalmo yar ka harsan yihiin .
Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda (UPDF) Gen Wilson Mbasu Mbadi oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo sagootiyay ciidamada Uganda usoo dirtay Soomaaliya ayaa kula dardaarmay in naftooda ilaaliyaan sidoo kale dadka Soomaaliyeed ilaaliyaan.
Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka Uganda ee Soomaaliya usoo aaday howlgalka uu waajibkooda yahay in ay u dhaqmaan si wanaagsan ayna raacaan tabarada la siiyay, kana digtoonaadaan halista kooxda Al Shabaab .
“Shaqada saxda ah qabta marka aad Soomaaliya tagtaan, hubso in aad si nabad ah ku soo laabato oo ku dedaal, Al-Shabaab waa dhibaato weyn, waa in aad aad u feejigan tahay oo aad hubisaa in aysan haysan xorriyad ay ku abuuraan falal Argagaxiso oo badan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen Mbadi.
Uganda ayaa safka hore kaga jirta waddamada ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, waxaana ciidankan cusub ee Uganda Soomaaliya usoo dirtay qeyb ka noqonayaan howlgalka cusub ee loo bixiyay ATMIS.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com