Odayaasha soo xulaya ergada dooraneysa labo kursi ay ku fadhiyaan Wasiiro hore oo la shaaciyay

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shaaciyay liiska Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta HOP#063 iyo HOP#011.

Labadan kursi ee la shaaciyay Odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa ayaa waxaa ku kala fadhiya Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Naxamed iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Doorashada kuraastan ayaa kamid aheyd kuwa muranka xooggan ka jiray muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana wararku sheegayaan in doorashada noqon doonto mid furan oo si caadi ah ugu tartamaan Musharaxiinta .

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa diiday in doorashada kuraasta ku harsan magaaladaasi cid gaar ah loo xiro, waxa uuna ka shaqeenayaa in doorashada noqoto mid furan oo lagu tartamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -