Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo bilaabay ku takrifal awooddeed iyo qabyaalad !!

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa guddaha wasaaradda ka bilaabay eex iyo musuqmaasuq saameyn badan ku yeeshay shaqaale mudo dheer wasaarada ka howlgalayay.

Illo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa noo sheegay in Wasiir Cabdisaciid markii uu xilka la wareegay, kaddib bilaabay in uu meesha ka saaro qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda uuna ku bedelo kuwa qaraabo dhaw la ah .

Wareegtooyin uu soo saaray wasiirka ayaa shaqada looga tiray qaarkoodna looga qaaday xilal ay hayeen shaqaale katirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo ka howlgalayay dalka iyo qaar kamid ah safaaradaha Soomaaliya ku leedahay waddamada caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali

Wasiirka ayaana diblumaasiyiin ka dhigay dad isaga ku dhaw dhaw iyo kuwa saaxiib la ah, waxa uuna u magacaabay qaarkood xoghayaal iyo jagooyin kale, waxa uuna wasiirka bilaa sabab eryay shaqaale duruufo badan kusoo shaqeeyay.

Dadka yaqaana wasiirka ayaa tilmaamay in uu yahay nin qabyaaladu aad ugu fogtahay mar walibana danta qaranka ka hormariya mida qabiilkiisa, waxa uuna Wasiirka qaatay go’aano adag isaga oo garab ka heesta Madaxweyne Farmaajo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa tan iyo markii uu la wareegay wasiir Cabdisaciid waxaa ka bilowday musuq maasuq iyo kutakri fal awoodeed, waxa uuna wasiirka ka faa’iideesanaya xilliga kala guurka iyo saaxiibtinimada Madaxweyne Farmaajo.

Shabakadda Allbanaadir Online ayaana heesa dukumiintiyo muujinaya xil ka qaadista uu wasiirka sameeyay iyo dadka ehelkiisa uu shaqaaleesiiyay muddada yar uu wasiirka yahay, waxa ayna shabakadda asxaabta ku xiran usoo bandhigi doontaa dukumiintiyada ay heeso maalmaha soo aadan insha allah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -