Ruushka oo qirtay in Gantaal xawaaraha codka ka sareeya u adeegsaday dagaalka Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa duullaanka ay ku qaaday dalka Ukraine u adeegsaday hub culus oo nuucyo kala duwan, waxaana laga cabsi qabaa in Ruushka oo dagaalka khasaaro badan kasoo gaaray in dagaalka u adeegsadaan hubka kiimikada.

Ciidamada Ruushka ayaa horey loogu eedeeyay in gantaalo nuuca xawaaraha sare ku socda u adeegsadeen dagaalka ay ku qaadeen dalka Ukraine,hasa ahaatee Ruushka ayaa horey u beeniyay eedeymaha qaar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka burburiyeen bakhaar dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla galbeedka Ukraine, waxaana bakhaarkaasi lagu weerarary gantaal nuuca Kinzhal.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka gantaalaha Kinzhal oo wata gantaalada hawada sare uu burburiyay bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay ku keydsanaayeen gantaalada iyo rasaasta hawada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gantaalka Kinzhal ku tilmaamay hub tayadiisu sarreyso oo ku duuli karo xowli toban laab ka dheereeya kan codka, kana gudbi kara difaacyada gantaalaha hawada.

Gantaalkan Ruushka u adeegsaday weerarka uu ka geestay gudaha Dalka Ukraine oo ah nuuca  ballistic-ga ah ayaa ah nuuca xawaaraha sare, waxa uuna noqonaya amarkii ugu horeesay oo gantaalkan Ruushka dagala u adeegsado.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -