DEG DEG: Xildhibaan goor dhow toogasho lagu dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo ka mid ahaa xubnaha Golaha degaanka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa caawa lagu dilay isla magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday, xili uu ku sugnaa meel ku dhow hoygiisa.

Dableyda dilka fulisay ayaa la sheegay iney ku baxsadeen gaari ay wateen.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaasoo bilaabay baaritaano iyo howlgalo lagu dabagalayo ragii dilka fuliyey.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe ayaa ka mid ahaa xubnihii ku soo baxay doorashadii goleyaasha degaanka ee ka dhacay degaanada Somaliland, welina ma cadda sababta iyo cida ka dambeysa dilkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -