Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashada Guddoonka labada aqal & Madaxweynaha

WAR-SAXAAFADEED :-Saaxiibada caalamiga* ah waxa ay la socdaan in doorashada in ka badan boqolkiiba 80  ee kuraasta Golaha Shacabka lagu dhameystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso.

Waxaan si xoog leh ugu boorrineynaa dhammaan daneeyeyaasha  in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi-socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xalliyaan wadahadal iyo wadar ogol, si si dhaqse ah oo lagu kalsoonaan karo loogu soo afmeero doorashooyinka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ugu baaqeynaa inay ka foggaadaan hannaanada oo ka mid tahay geeddi-socodyo is garab socda, oo aan ku saleysneyn heshiis ey u dhan yihiin dhinacyada muhiimka ah.

Waxaan mar kale ku celineynaa in dadaallada la laba-laabo si loo gaaro qoondada boqolkiiba 30 ee metalaadda haweenka ee baarlamaanka.

Saaxiibada caalamiga ah waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ku boorinayaan inay ku dhawaaqaan u diyaar garowga Hangarka oo ay balanqaadaan ka go’naanshiyahooda si loo tixgeliyo qodobbada dastuurka Soomaaliya ee la xiriira geeddi-socod dhexdhexaad ah oo xalaal si loo doorto Af-hayeennada labada Aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=aqvVLXahwlY

Related posts

Duufaantii ugu xumeyd muddo 30 sano ah oo ku dhufatay xeebaha Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku weerartay Markabka dagaalka USS Greeley

Caydiid Ali

Xildhibaan laga guuleystay oo burburiyey Ceelal uu olole doorasho ku galay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---