Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo ku xad gudbay heshiiskii ay shalay la saxiixdeen Ukraine (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Odesa ku garaacay gantaalaha riddada dheer, duqeyntaasi oo shaki gelisay dhaqan galka heshiiskii shalay la gaaray oo ku saabsanaa in dib loo billaabo dhooffinta hadhuudhka.

Ruushka ayaa heshiiskaasi ku ballan qaaday iney wax duqeyn ah ku beegsaneyn maraakiibta xamuulka ee badarka ka soo qaadaya ama geynaya dekadda Odesa.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr gantaal oo kuwa riddada dheer oo ay soo rideen ciidamada Ruushka ay magaaladaasi ku dhaceen waxyeellana ay u geysteen kaabayaasha dekadda.

Afhayeenka wasaaradda gaashaan dhigga Ukraine wuxuu sheegay heshiiski dhoofinta badarka ee ay labada dhinac gaareen haddii uu fashilmo mas’uuliyaddeeda inuu Ruushka qaadayo.

Ciidamada Ukraine waxay sheegeen 4 gantaal oo kuwa riddada dheer in magaalada lagu soo riday laba ka mid ahna ay hawada ku burburiyeen.

Ruushka ayaan ka hadlin sababta ay gantaaladan ugu rideen dekeda Odesa xili uu jiray heshiiskii shalay ay kala saxiixdeen ee ahaa inaan la duqeyn dekedaas.

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga & Iran oo wadajir u soo saaray bayaan xasaasi ah

Caydiid Ali

Dhacdo argagax leh: Haweeney caawa dishay seygeeda oo ahaa Macalin Dugsi Quraan

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo shir aan caadi aheyn uga qeyb galaya Sacuudiga

Cabdi Cade