Madaxweyne Lourenço oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Angola  Joao Lourenço ayaa waraaqaha aqoonsiga ee Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrikada Koonfureed oo ay Angola ka mid tahay Danjire Mudane Mohamed Ali Mire.

Madaxweynaha ayaa ku  qaabilay Magaalada madaxda Luanda ee Dalka Angola Danjirayaasha magacaaban ee dalalka Markeykanka, Saudi Arabia, Israeli, Portugal, Spain, Burundi, Indonesia, iyo Somalia.

Danjire Mohamed Ali Mire oo ka mid ahaa Danjirayaasha magacaaban ayaa warqadihiisa aqoonsi ee danjirno u gudbiyay Madaxweynaha dalka Angola waxa uuna u gudbiyay salaan iyo fariin uu ka waday Madaxweyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isagoo u rajeeyay  asaga, dowladdiisa, iyo shacabkiisaba horumar iyo barwaaqo, waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay adkeynta xiriirka labada dal iyo sida ay isaga kaashan lahaayeen labada Dowladooda sidii looga arrimaha, dhaqaalaha, siyaasadda, dhaqan ka iyo diblomaasiyada.

Dhanka kale Madaxweynaha Angola oo kulan gaar ah la qaatay Danjiraha ayaa ballanqaaday in ay Dowladiisa diyaar u tahay sare u qaadida xiriirka labada dowladood  eee walaaltinimada buuxda ka dhaxeyso. waxa ayna diyaar u yihiin in labada dowladooda wax wada qabsi iyo wadashaqeyn joogto ah dhexmari doonta.

Dalka Angola waxa uu ka mid yahay shanta dal ee Safaarahooda hoostaga Koonfur Afrika ayaa ku dhaqan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u badan ganacsato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -