Madaxweyne Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Maraykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambabaxay waddanka Maraykanka.

Biixi oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin Wasiirrada arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Mudane Jaamac Muuse Jaamac oo ka socda Bulshada rayidka ah, ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka, waxana Maraykanka gudihiisa kaga biiri doona wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Safarka Madaxweynaha iyo wefdigiisa,  ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxaana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qaar ka mid ah jaaliyadaha ka soo jeeda Somaliland ee dalkaas ku dhaqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -