Xaflad lagu soo dhoweynayey Musharaxa Saciid Ciise oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Xaflad lagu soo dhoweynayey Musharaxa Madaxweynaha Somalia ahna Guddoomiyaha xisbiga Dadka Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo dalka ku soo laabtay ayaa lagu qabtay  magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabiyeen taageerayaasha Xisbiga Dadka ayaa waxaa ka qeyb galay, masuuliyiin kala duwan, madaxda axsaabta siyaasadeed ee dalka qaarkood, qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale.

Furitaanka xafladaas waxaa hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyey xubno isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo aqoonyahano ka mid ah taageerayaasha Xisbiga dadka oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashada gudoomiyahooda oo ay sheegeen inuu yahay siyaasi aqoonyahan ah oo diyaar u ah inuu dalka ka samata bixiyo xaaladaha adag ee ka jira.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ka mid ahaa madaxda axsaabta siyaasadeed ee dalka oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay inuu ka faraxsan yahay ka soo qeybgalka xafladan soo dhoweynta ah ee loo sameeyey Saciid Ciise oo uu xusay inuu yahay siyaasi rug-cadaa ah oo xiligan adag u bareeray inuu u tartamo hogaanka ummada.

Musharaxa Madaxweynaha Somalia ahna Guddoomiyaha xisbiga Dadka Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo gebagebadii xafladaas hadal ka jeediyey ayaa u mahad celiyey taageerayaasha xisbiga DADKA sida diiran ee ay ugu soo dhoweeyeen dalka oo uu in muddo ah ka maqnaa.

“Barnaamiika siyaasadeed ee aan rabo inaan ku hogaamiyo dalka hadii aan guuleysto waa mid cad oo ku qotoma nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada sida amaanka, Waxbatashada, Caafimaadka, Dhaqaalaha, cadaalada iyo in dalka iyo dadka la gaarsiiyo isku filnaansho lagana xoroobo fara gelinta shisheeye ee kala qoqobtay umadda” ayuu yiri Saciid Ciise.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Profasorku sheegay in doorashada xubnaha golaha shacabka ee ka socota dalka ay tahay tii ugu liidatay ee dalka ka dhacda, ayna arrintaas sabab u tahay markii taladii dalka iyo masiirkii umadda loo gacan geliyey maamul goboleedyo iyo dad kale oo aan ehel u aheyn iney shacabka hogaamiyaan.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u farxad badan ayaa waxaa intii ay socotay heeso iyo suugaan wadani ah oo aad loo jecleystay ku soo bandhigay qaar ka mid ah fanaaniiinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -