Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Qadar.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kala hadlay Amiir Tamiim binu Xamad, dhammaystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Madaxweynaha ku weheliyey safarkan iyo dhiggooda Qadar ayaa wadajir u lafo-guray aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada Dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar

Related posts

Mareykanka oo u digay muwaadiniintiisa ku sugan..

Caydiid Ali

Iran oo rejo ka qabta in Afgembi xilka looga tuuro Mucaaradka Suuriya qabsaday

Cabdi Cade

Ruushka iyo Ukraine oo is dhaafsaday maxaabiis dagaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---