Baarlamaanka Itoobiya oo go’aan ka gaaray Ururka ONLF iyo Ururo kale oo hubeesan

Baarlamaanka dalka Itoobiya oo kulan deg deg ah ay yeesheen waxa ay ku meel mariyeen qaraar ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirada Itoobiya oo ku aadanaa in liiska argagaxisada looga saaro Sadex Urur oo horey looga mamnuucay dalkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya ayaa dood dheer kadib waxa ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Liiska Argagaxisada laga saaro Ururada hubeesan ee ka jira gudaha Itoobiya ee kala ah ONLF ,Ginbot 7iyo OLF.

Go’aanka dowlada Itoobiya liiska argagaxisada uga saartay Ururadan hubeesan ayaa qeyb ka ah qorshaha isbadalka uu wado Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in ururadan dowlada kula heshiiyaan.

Tan iyo markii uu talada Itoobiya la wareegay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa xabsiyada dalkaasi laga saaray maxaabiis badan oo mucaarad ahaa, waxaa hada liiska argagaxisada laga saaray Ururadan horey Itoobiya ugu aqoonsatay kuwa Argagaxiso ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -