Madaxweyne Trump oo laga soo xigtay Hadalo saraakiil iyo dad badan layaab ku noqday !!

Madaxweynaha Maraykanka ayaa usoo jeediyey ciidamada Maraykanka dhowr goor inay bambaanooyinka Nukliyeerka ku duqeeyaan Duufaanaha faraha badan ee khasaaraha ka geysta dalkaasi, sida lagu shaaciyey warbixin lagu daabacay bogga warbaahinta Axios.

Trump ayaa la sheegay in uu dhawr mar shirka Amniga ee dalkaasi oo looga hadlayey duufaanaha dalkaasi ku dhufta ka sheegay;

”Duufaanahan oo marka hore kasoo bilowda xeebaha Afrika, maxaan bambaano Nukliyeer ugu dhufan weynay inteysan nasoo gaarin?….” ayuu isweediiyay Madaxweyne Donald rump.

Arrintan oo la yaab ku noqotay dhamaad saraakiishii ku sugnaa shirkaasi oo qaarkood warbaahinta siiyey xogtan qarsoodiga ah.

Waxaa la sheegay in Saraakiisha shirkaasi ku sugnaa oo la yaaban fikirkan waalida ah ayaa yiri “…Madaxweyne waanu eegi doonaa…” Trump ayaa la sheegay inuu neceb yahay in wax loo sheego ama laga saxo khaladaadkiisa.

Hadaladan Trump ayaa sii xoojiyey shakigii ay horey in badan oo shacabka ka qabeen xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Maraykanka.

Fikirka ah in bambaano nukliyeer lagu dhufto Duufaan si loo burburiyo awooda dabaylaha duufaantaasi ayaa ah mid halis ah sida ay khubarada sheegeen, isla markaana keeni karta in sunta Nukliyeerka ay dabeylaha kusii faafiyaan caalamka oo dhan.

By: 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -