Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay , sida ay CNN, ku warrantay : weerarradii caawa ay Iiraan ka gaysatay saldhigyada Mareykanka ee Qatar iyo Ciraaq, inay la mid yihiin weerarradii sannadkii 2020 ay Iiraan uga jawaabtay dilkii Qaasim Suleymaani, markaa oo ay Iiraan weerartay labo saldhig oo ku yaalla Ciraaq.
Markii ay dhaceen weerarradii saldhigyada Ciraaq, sannadkii 2020, ma jirin wax khasaare ah oo ay dhaliyeen, si la mid ah weerarrada caawa dhacay, iyadoo ay xigtay inuu Trump waqtigaa soo baxay oo uu sheegay, maaddama aysan jirin khasaare inay doorbidayaan waddada nabadda.
Si la mid ah waqtigan oo Trump uu xukunka joogo, isaga ayaa go’aamin doona in weerarrada uu u rogo kuwa fura jidka diblomaasiyadda ama wuxuu bixin doonaa amar lagu weerarrayo Iiraan.
Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo gantaallada Iiraan ay gaarsiiyeen saldhigga ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Qatar ee Al Udeid, sida ay Reuters ka soo xigatay labo sarkaal oo Mareykan ah.
Dhinaca kale, Israa’iil ayaa weerar duqeyn ah ka geysatay magaalada Tehran ee xarunta dalka Iiraan, waxyar kaddib markii Iiraan ay gantaallo ku weerartay saldhigyada Mareykanka ee Qatar iyo Ciraaq.