Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay 16-nin oo burcad ah una badnaa Askar (Sawirro)

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir oo kaashanayay ciidamada kale ee ammaanka ayaa howlgalo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qab qabtay kooxo badan oo burcad ah.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka ciidanka sameeyeen lagu soo qab qabtay 16-nin oo burcad ah, kuwaa dhibaatooyin iyo dhac ka geesanayay degmooyinka Wadajir, Dharkeenley, Garasbaaley iyo Yaqshiid.

Burcadan ay ciidamada ammaanka soo qabteen ayaa sidoo kale qaarkood waxa ay ku eedeysan yihiin in ay geesteen dilal iyo dhaawac, waxa ay sidoo kale jirdil u geesteen qaar kamid ah dadkii ay dhaceen.

Ciidamada ammaanka burcada ay soo qabteen ayaa intooda badan ah askar  katirsan dowladda dowladda , kuwaa oo hubkii loogu tala galay in shacabka ku ilaaliyaan dib ugu soo jeediyay uguna geesanayaan di, dhaawac iyo dhac.

Kooxo badan oo burcad ah ay xireen ciidanka booliiska Soomaaliya ayaana la sheegay in maalmo kaddib laga sii daayay saldhigyadii lagu xiray, kuwaa oo qaarkood mar kale dib u bilaabay in ay dadka dhacaan.

Related posts

Puntland oo sameysatay Manhaj Waxbarasho oo u gaar ah & Deni oo daahfuray (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dad ku dhamaaday Fiilo koronto oo ku dhacday Suuq laga dukaameysto

Caydiid Ali

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---