Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Askar katirsan Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Deni oo Dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray…

Ciidamo katirsan ilaalada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay halka loo yaqaano dalcada karin-dhiig ee gobolka Nugaal .

Inta la xaqiijiyay afar askari oo katirsan ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa shilkan ku geeriyooday halka lix kalana ku dhaawacmeen, askarta dhaawacantay ayaana loola caray isbitaal kuyaalla magaalada Garawe.

Ciidamadan ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa kasoo dhaqaaqay magaalada Boosaaso iyagoona kusii jeeday magaalada Garawe, waxaana Madaxweynaha wali joogaa Boosaaso halkaas oo la filayo in diyaarad uga soo raaco Garawe.

Shilalka gaadiid ayaa kusoo badanaya wadooyinka deegaanada Puntland, waxaana la diiwaan geliyay bilihii lasoo dhaafay dhimasho dad badan oo isugu jira shacab iyo ciidan ku geeriyooday shilal gaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado shaaciyey xiliga ay ku beegan tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa

Caydiid Ali

Mareykanka oo talaabadii ugu horeysay qaaday ka dib balloon basaas ah ee Shiinuhu dulmariyey

Caydiid Ali

Dil ka dhax dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---