Mareykanka oo talaabadii ugu horeysay qaaday ka dib balloon basaas ah ee Shiinuhu dulmariyey

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in go’aanka Shiinaha ee ah in buufin muuqata oo basaasnimo ah uu dul mariyo Mareykanka uu yahay wax aan la aqbali karin.

Blinken ayaa la qorsheeyay inuu booqdo Beijing laga bilaabo 5-ta ilaa 6-da Febraayo si uu ugala hadlo arrimo badan, oo ay ka mid yihiin amniga, Taiwan iyo Covid-19.

Hase ahaatee Diblomaasigan sare ayaa si lama filaan ah u baajiyay safarkaas uu ku tagi lahaa magaalada Beijing, kaasoo noqon lahaa kulankii ugu horreeyay ee heer sare ah oo Mareykanka iyo Shiinuhu ku kulmaan halkaas muddo snnado ah.

Blinken ayaa ku tilmaamay buufinta Shiinaha ee dul heehaabeysa Mareykanka mid “xadgudub ku ah madax-banaanidayada”.

Shiinaha ayaa mar sii horeysay muujiyay sida uu uga xun yahay, isagoo sheegay in ay ahayd buufin cimilada loo adeegsado oo ka soo luntay

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -