Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada 11-kursi oo horey loo shaaciyay oo dib u dhac ku yimid iyo Sababta keentay

Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle (SEIT) ayaa shaaciyay in dib u dhac ku yimid doorashada 11-kursi oo horey loo shaaciyay kuwaa oo lagu waday in ay ka dhacdo magaalada Baledweyne.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu ogeesiiyay dhammaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in sababaha doorashada kuraastan dib u dhacday ay tahay khilaaf ka taagan doorashada kuraasta qaar kuwaa oo madaxda Hirshabelle rabaan in ay u xiraan siyaasiyiin ay si gaar ah u wataan.

Kuraasta Beesha Xawaadle leedahay ee lagu dooranayo magaalada Baledweyne ayaa laga cabsi qabaa in is ku dhac abuuro hadii shakhsiyaad gaar ah oo Villa Soomaaliya wadato loo xiro kuraastaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Theresa May oo shaacisay hadal ka farxiyey ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo ku dhintay Weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey

Cabdi Cade

Akhriso: Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---