Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax lagu weeraray Shaqaale Turki ah oo ka dhacay Afgooye

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah ay la socdeen shaqaale Turki ah oo ku howlan dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Sida ana wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay Koontaroolka Baar ismaaciil halkaas ay ku sugnaayeen kolonyada gaadiidka ay wateen Shaqaalaha Turkida iyo ciidamo booliis ah oo ilaalo u ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay kolonyada gaadiidka, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin khasaaraha qaraxan ka dhashay, waxaana goobta qaraxu ka dhacay buux dhaafiyay ciidamo badan oo gurmad u sameenayay dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -