Allbanaadir.com
NEWS

Shan Xildhibaan oo kamid noqonaya Gollaha shacabka oo Kismaayo lagu doortay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland lagu doortay shan xildhibaan oo kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, xildhibaanada maanta la doortay ayaana u badan kuwa cusub.

Kursiga koobaad ee tirsigiisu ahaa HOP072 waxaa ku guuleestay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo horey ugu fadhiyay, waxa uuna helay 75-cod halka musharaxii la tartamayay uu isna helay 18-cod.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP130 ku guuleestay Mowliid Cabdi Maxamuud oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay ,kaddib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii la tartameysay Haboon Axmed Tifow.

Kursida saddexaad oo isna tirsigiisu ahaa HOP079 waxaa ku guuleestay Maxamuud Muxumed Cumar oo helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayay Bashiir Nuur Xuseen uu isna helay 21 cod.

Doorashada kursiga afaraad ee tirsigiisu ahaa HOP112 waxaa ku guuleestay Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo gacan taag loogu codeeyay, waxaana kursigan doorashadiisa ka tanaasulay musharaxii la tartamayay Daa’uud Cusmaan Cali.

Kursiga shanaad ee doorashadiisa maanta ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa ku guuleestay Cumar Yuusuf Qalaadiid oo helay 82-cod halka musharaxa kursiga kula tartamay isna helay 17-cod.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaana aheyd mid natiijadeeda horey loo sii ogaa oo loo xiray musharaxiin uu si gaar ah u watay Madaxweynaha Jubbalabd, waxaana musharaxiinta la tartamayay xubno iyagu soo xusheen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4

Related posts

(Akhriso) Magacyada xubnaha DF & G/Banaadir ku metelaya guddiga farsamada doorashada

Caydiid Ali

Hay’adda HRW oo War cusub kasoo saartay Xasuuqii Gololey baaqna u dirtay Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Soomaaliya oo ka faa’idaysanaysa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---