Puntland ayaa amar culus ku soo rogtay Musharaxiinta doorashada Somalia (Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa Musharaxiinta doorashada Xidlhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ka mamnuucday inay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah.

Gaadiidka ciidanka iyo ilaalada ayaa sidoo kale laga mamcuunay mas’uuliyiinta ururada siyaaasadda Puntland.

Wasaaradda Amniga Puntland oo amarkan soo saartay waxay sheegtay in ciddii sababo gaar ah uga maarmi wayda ilaalo la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland.

Puntland ayaa warkan soo saartay, iyadoo galabta Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka yimid degmada dhahar loo diiday inuu Garoowe la soo galo ilaalo gaar ah iyo gaadiid ciidan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -