Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Firir Gantaal oo ku dhacay guri uu degan yahay Madaxweynaha dalka Ukraine

Dalka Ukraine waxaa muddo isbuuc ah ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dalkaasi iyo kuwa Ruushka ee duullaanka ku qaaday, dagaalka ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Ruushka ayaana madaafiic culus iyo gantaalo ku garaacaya magaalada Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaasi kuyaalla, waxa ayna duqeymahaasi bur buriyeen xarumo dowladeed iyo xeryo ciidan.

Firirka gantaal ee ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada Kiyiv ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay guriga uu Madaxweynaha dalkaasi Zlenesky  degan yahay , lamana soo sheegin khasaaro nafeed oo gantaalka firirkiisa ka dhashay.

Sergii Nykyforov, oo ah afhayeenka Madaxweynaha Ukarine ayaa sheegay in firirka gantaal ay soo rideen ciidamada Ruushka ku dhacay qeybo kamid ah guriga Madaxweynaha,waxa uuna xusay in Madaxweynaha iyo qoyskiisa uusan waxba gaarsiin firirkaasi.

Waxa uu sheegay afhayeenka in Madaxweynaha Ukraine kaliya weerarkan kaga falceliyay” waa i sigeen”, waxa uuna Afhayeenka sheegay in ciidamada Ukraine wali iska difaacayaan ciidamada kusoo duulaay.

Madaxweynaha Ukarine ayaa horey u sheegay in ciidamada Ruushka doonayaan in ay dilaan isaga iyo qoyskiisa, waxa uuna diiday Madaxweynaha in uu dalkiisa ka cararo, isagoona ku adkeestay in uu diyaar u yahay in dalkiisa u dhinto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Finland oo qaadeysa talaabo sabab u noqon karta in Ruushku weeraro

Caydiid Ali

Taliyihii Ciidamada Danab oo xabsi la dhigay iyo Kheyre oo Sabab u noqday !!

admin

Cabdi Xaashi & Boqor Muudow oo qaadacay doorashada, eedeyna u jeediyey Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---