Madaxweyne Laftagreen oo lagu hor dhaariyey Ibraahim Aadan Cali “Najax” (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayey Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim aadan Cali (Najax).

Waxaa munaasabada sido kale kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada DGKGS mudane Cali Saciid Fiqi Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Masuuliyiin kale.

“Gobolka Shabellaha hoose oo aan markii Saddaxaad ka noqonayo Gudoomiye Gobol waxaan aad ugu warqabaa baahiyaha ka jira anigoo kaashanaya Alle ,Madaxweynaheyga iyo maamulada degmooyinka, shacabka Gobolka waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan inta harsan ugu xureyn laheyn Argagixisadda Shabaab, sidoo kalena aan xooga saari doono dhismaha xarumaha muhiimka u-ah bulshadda,iyo hormarinta arrimaha bulshadda” ayuu yiri gudoomiyaha cusub.

Wareegto ka soo baxday xalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilkii gudoomiyaha Sh/hoose looga qaaday Maxamed C/raxiin Nuur oo xilkaas hayey wax ka yar afar bilood.

Laftagareen ayaa xilkaas u magacaabay Ibraahim aadan Cali (Najax) oo markii 3aad sanado gudahood noqonaya Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna dad badan la yaaban yihiin sababta dhalisa isbededa degdeg ah ee lagu sameeyo maamulka Gobolka Sh/hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -