Qoorqoor oo lacag aan caadi aheyn ka sameeyay Doorashada Xildhibaanada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa warar aan helnay sheegayaan in dhaqaale badan ka sameeyay doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Qoor Qoor ayaa doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ku maamulay si ka duwan madaxda kale ee maamul goboleedyada, waxa uuna Qoor Qoor ciyaaray kaarto uu xildhibaano dhinacyo kala duwan uga soo saaray si uu dhaqaale ugu badesho.

Madaxda Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa inta badan Xildhibaanada ay soo saareen iyaga dhaqaale ku bixiyeen, waxa ayna diirada saareen in ay soo saaraan Xildhibaano daacad u noqda siyaasadooda una jaheesta halka ay farta ugu fiiqaan .

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saaray Xildhibaano isugu jira muxaafid iyo mucaarad , waxa uuna ka eegay dhinacyo badan ay ugu horeeso in dhaqaale ka helo sidoo kale qanciyo saaxiibadiisa siyaasada oo isugu jira muxaafid iyo mucaarad.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa inta badan lacag u dhaxeysa ”Boqol Kun iyo Labo boqol oo Kun oo dollar” ka qaadayay Xildhibaanada lagu dooranayay magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan Xildhibaanada mucaaradka.

Qoor Qoor ayaana waajib ka dhigan in Xildhibaan walbo oo kursi loo xirayo marka hore bixiyo lacagta aan kor u sheegnay, waxaana jira Xildhibaano tiro yar oon lacag badan uusan ka qaadan Qoor Qoor kuwaa oo ay wadatay Villa Soomaaliya.

Xildhibaanada la doortay ee kuraastooda loolanka adag ka jiray iyo kuwa dumarka ku qornaayeen ee ragga loo bedelayay ayaa la sheegay in Qoor Qoor ka qaadayay lacagta ugu badan ee afgarashada iyo salaanta Madaxweynaha loogu magac daray.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Galmudug ayaana laga soo xigtay in Madaxweynaha ka cabsi qabo hadii dalka isbadal ka dhaco uuna Farmaajo guul dareesto kursigiisa halis galo taa badalkeedana go’aansaday in uu dhaqaale sameesto si uusan beri u shalaayin.

Doorashada Soomaaliya ka socota ayaa sanadkan aheyd tii ugu musuq maasuqa badneed, waxaana Xildhibaanada gollaha shacabka la doortay dhamaantood ahaayeen kuwa aan kusoo bixin doorasho balse loo xiray kuraasta ay ku guuleesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -