Ciidamada Dalaayadaha ku booda ee Ruushka oo weerar toos ah ku qaaday magaalada Kharkiv

Ciidamada Ruushka ee duulaanka xooggan ku qaaday dalka Ukraine ayaa isku dayaya in ay la wareegaan magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine ee Kharkiv, waxaana magaaladan ka dhacay dagaalo culus iyo duqeymo.

Milatariga dalka Ukraine ayaa xaqiijiyay in ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ukraine in weerar culus kusoo qaadeen magaalada Kharkiv oo horey u hareereeyeen ciidamo badan oo Ruush ah oo wata dabaadaadka dagaalka.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ruushka iyo ciidamada Ukraine ayaa hada ka socda qeybo kamid ah magaalada Kharkiv gaar ahaan isbitaal ay leeyihiin ciidamada Ukraine.

Warbaahinta Ukraine iyo kuwa caalamka ayaa tabinaya in dagaalka ka socda Kharkiv uu yahay mid culus, waxaana dagaalka daba socda madaafiic ciidamada Ruushka ku garaacayaan goobo bartilmaameed u ah.

Ciidamada Ruushka ayaa horey duqeymo aad u culus ka geestay magaalada Kharkiv, waxaana goobaha ay ciidamada Ruushka gantaalada ku garaaceen  kamid ah xaruntii dowlada Hoose ee Kharkiv.

Duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna ciidamada Ruushka doonayaan in ay la wareegaan magaalooyinka Kharkiv iyo Kyiv si dagaal guul uga gaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -