Maxaa kasoo baxay kulan dhax maray Madaxweyne Deni iyo Maxamuud Diyaano ?

Madaxtoyada magaaladda Bosaaso waxaa shalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi deni iyo Maxamud Cismaan cabdullaahi (Diyaano)  Agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday Maxamuud Diyaano.

Kulankan oo goobjoog ka ahaayeen qaar kamid ah isimada Puntland ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira khilaafkii soo kala dhax galay Madaxweynaha iyo agaasimaha iyo sidoo lale dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Boosaaso.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in kulanka dhaxmaray Deni iyo Diyaano uusan kasoo baxin wax natiijo ah, waxa ayna labada dhinac isku fahmi waayeen qodobada qaar ee kulanka looga hadlay.

Madaxweyne Deni ayaana ka dalbaday agaasimihii PSF uu xilka ka qaaday in uu aqbalo xil ka qaadista uu ku sameeyay uuna diyaar u yahay in uu u fuliyo waxkasta oo macquul ah uu ku qanci karo.

Dalabka Madaxweyne Deni ayaana wararku sheegayaan in uu ka biyo diiday Maxamuud Diyaano oo isna ka dalbaday Madaxweyne Deni in uu ka laabto xil ka qaadista ama uu aqbalo go’aankii horey usoo saareen isimadda Puntlannd.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wajiga horey kulanka dhax maray Deni iyo Diyaano aysan kasoo bixin natiijo wax ku ool ah, waxa ayna labada dhinac mar kale maanta u balansan yihiin kulamo kale oo looga hadlayo arrimaha la isku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -