Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Al Shabaab oo soo bandhigtay Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida (Sawirro)

Xarakada Al Shabaab ayaa deegaan katirsan gobolka Baay kusoo bandhigtay wariye katirsanaa Telefishinka maamulka Koonfur Galbeed , kaa oo la sheegay in uu si iskiis ah isugu dhiibay Al Shabaab.

Xuseen Iimaan Cabdullaahi oo ahaa wakiil wareedkii Telefishinka Koonfur Galbeed u joogay magaalada Diinsoor ayaa isaga oo watay kaamiradiisa shaqada isku dhiibay kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Baay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay in Wariye Xuseen Iimaan ka qoomameeyay in uu la shaqeenayay maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna warbaahinta Al Shabaab shaaciyeen in wariyaha is dhiibay cafis loo fidiyay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno katirsanaa shaqaalaha maamulka Diinsoor iyo saraakiil ciidan, waxa ayna xuseen in ay kala firxadeen maamulkii Koonfur Galbeed ugu magacawnaa Diinsoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2cGBYj_Ys0U&t=4s

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & ku dhowaad 100 Xildhibaan oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali

Mo Faarax oo ku farxay Go’aan cusub oo kasoo baxay dowladda Britain

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Wang Yu iyo wafdi la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---